Bangiga aduunka oo warbixin kasoo saaray dhaqalaha somaliya

0
147

Dhaqaalaha Soomaaliya wuxuu dib uga soo kabanayaa “caqabado saddex-geesood ah” oo dalka ku habsatay sannadkii 2020, kuwaas oo kala ah; masiibada xannuunka COVID-19, fatahaad aad u daran, iyo ayaxa, waxaa sidaas lagu sheegay warbixin uu soo saaray Bankiga Adduunka.

Warbixintii ugu danbaysay ee Bangiga Adduunka kasoo saaray Soomaaliya ayaa ku warramaysa in dhaqaaluhu hoos u dhacay 0.4 boqolkiiba sannadkii 2020, taas oo ka yara hooseysa 1.5 boqolkiiba hoos u dhicii la saadaaliyay bilowga cudurka dunida aafeeyay ee Corona.

“Qulqulka gargaarka oo ka badan kii la filayay, tallaabooyinka siyaasadda maaliyadda oo ay dejisay Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo caawiyo ganacsiyada, tallaabooyinka ilaalinta bulshada ee lagu kaabayo qoysaska nugul, iyo kororka lacagta xawaaladaha lasoo marsiiyo ayaa yareeyay saameynta xun ee la filayey inay reebaan saddexda caqabadood,” ayey tiri warbixinta.

Warbixinta Bankiga Adduunka waxay sidoo kale xustay in carqaladaha ka dhashay tallaabooyinka lagu xakamaynayo COVID-19 ay yareeyeen ururinta dakhliga Dowladda Federaalka iyo Dowlad Gobolleedyada halka uu kordhay cadaadiska ah in kharash badan lagu bixiyo caafimaadka iyo gargaarka musiibada.

“Kordhin ballaaran ee deeqaha dibadda ayaa u suurto gelisay dowladda federaalka inay billowdo isku -dheelitiridda kharashaadka dadweynaha ee xagga adeegyada dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada iyo inay siiso lacag barnaamijyo cusub oo dhanka arrimaha bulshada la xiriira iyo mashaariic wax looga qabanayo xaaladaha degdeg ah si loo kordhiyo adkeysiga.”

Warbixintu waxay si gooni ah u wajahaysaa dhanka adeegga caafimaadka. Waxay iftiiminaysaa in 30 sano oo xasilooni darro siyaasadeed ah ay ka dhigtay nidaamka adeegga caafimaadka Soomaaliya kan labaad ee ugu nugul adduunka.

Faafitaanka COVID-19 waxay hoos u dhigtay adeegga caafimaadka si xoog leh, waxayna keentay in maalgelinta nidaamka caafimaadka ee Soomaaliya mid u baahan tixgelin siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo deg-deg ah oo aasaas u ah yareynta nuglaanta.

Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in xoojinta nidaamka caafimaadka Soomaaliya ay tahay midda ugu weyn ee sida tooska ah u saamaysa hagaajinta horumarka aadanaha iyo kobcinta horumarka dhaqaalaha ee dalka.