
Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa casuumaad rasmi ah u fidisay golaha wada-tashiga qaranka, gaar ahaan ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada dalka.
Wararka ayaa sheegaya in maalmaha soo aadan Rooble iyo shanta hoggaamiye goboleed ee dalka ay tegi doonaan magaalada Riyadh ee caasimadda wadanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, halkaas oo ay wada-hadallo kula galayaan madaxda sare ee dalkaasi.
Sacuudiga ayaa la sheegay inuu qorshe weyn ka damacsan-yahay casuumadda Rooble iyo madax goboleedyada, maadaamna doorasho la galayo.
Dowladda Sacuudiga ayaa waxaa ay kamid tahay dowlaha saameynta siyaasadeed iyo midka dhaqaale ku leh Soomaliya, hayeeshee waxaa xumaa afartii sano ee la soo dhaafay xiriirkii ay la laheyd dowladda Soomaaliya.