
Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa shaaciyay liiska qaar ka mid ah Musharaxiinta kuraasta Aqalka sare ee deegaan doorashadoodu tahay Galmudug.
Madaxweyne Qoorqoor ayaa liiska uu soo gudbiyay waxaa kasoo dhex muuqday qaar ka mid ah Senataradii hore ee Aqalka sare, waxaana dib loo dhigay labo kursi oo ka mid aheyd 8-da kursi ee lagu doorto Galmudug oo ay ku fadhiyeen Senatar Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex.


