Midowga musharixiinta oo ka hadley khilaafka soo kala dhex galey reysulwasaaraha iyo madaxweynaha

0
192

Midowga Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan ay ku yeesheen aalada fogaan araga waxay kaga hadleen xaaladahii ugu dambeeyay ee dalka gaar ahaan khilaafka soo kala dhexgalay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Kulanka Midowga Musharaxiinta ayaa la sheegay in lagu lafaguray khilaafka cusub ee soo kala dhexgalay labada masuul ee dalka ugu sareysa iyo saameynta ka dhalan karta, maadama lagu gudajiro waqti xasaasi ah oo dalka wajahayo doorashooyin.

Ridwaan Xirsi oo ka mid ah Golaha Musharaxiinta ayaa sheegay in Midowga ay taageereen go’aankii Raysal wasaare Rooble ee ahaa dardar galinta howlaha doorashooyinka dalka iyo heshiisyada hay’addaha dowladda galayaan gudaha iyo dibadaba.

kulanka Midowga Musharixiinta ayaa sidoo kale waxaa la sheegay iney uga hor yimaadeen doorashadii guddiga garabka Raysal wasaare kuxigeenka Mahdi Guuleed ay isku doorteen magaalada Muqdisho.