
Taliska Booliska degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa digniin adag u waxaa uu u diray dadka Gudaha degmada ku dhex sameeya ama ku dhex isticmaala waxyaanaha maanka dooriya.
Taliyaha Booliska degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdalla Boorow ayaa sheegay in maalmahaan ay wadeen howlgallo kala duwan oo ay kusoo qabteen dad isticmaalayay kana ganacsanayay waxyaabaha maanka doorya, sida Calaqa, khamriga Orginalka ah iyo Xashiiska.
Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray taliyaha in howlgalkaas ay kusoo qabteen 4 Ruux oo ka Ganacsanayay maandooriyaha, waxaana uu uga digay dadka kale ee ku howlan ka Ganacsiga maandooriya.
Ugu dambeyn Taliyaha Booliska degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose Cabdalla Boorow ayaa uga digay dadka guryaha ka kireynaya dadka sameeynaya, waxaana uu ka dalbaday in qof walba uu soo gudbiyo dadka uu Guryaha ka kireeynayo.
