Gudoomiyaha aqalka sare oo eedeyn usoo jeediyey reysulwasaaraha

0
233

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaanshi Cabdullaahi ayaa si adag ugu eedeeyay Raysal wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble inuusan dhexdhexaad ka aheyn khilaafka ka dhex taagan siyaasiyiinta Waqooyi.

Guddoomiye Xaanshi ayaa si qoto dheer uga hadlay khilaafka ka dhaxeeya labada garab ee siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolada Waqooyi iyo doorka Raysal wasaare Rooble.

“Raysul wasaaraha afartii xubnood ee aan magacaabay intuu u yeeray ayuu ku yiri doorashooyinka anigaa ka masuul ah, waa inaad doorasho gashaan haddii aad is dooran waydaana waan idinka saarayaa, hadda isagu ma magacaabin ee ogaada. Waa hanjabaad waana arin aan sina loo qaadan karin”ayuu yiri guddoomiye Cabdi Xaashi.

Wuxuu intaasi ku daray guddoomiye Xaanshi inuu doonayo Cadaalad, islamarkaana uu walaac ka qabo in Raysal wasaare Rooble oo la safto hal dhinac.

Khilaafka ugu daran ayaa yimid kadib markii xubnaha ay kala magacabeen guddoomiye Xaanshi iyo Raysal wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Guuleed ay kala doorteen laba guddoomiye.