
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, ayaa Xarunta Madaxtooyada kula kulmay Ku-xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho iyo wafdi ay Hoggaaminayso oo maanta gaaray Magaalada Dhuusmareeb.
Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka mid ah Golaha Wasiirada ayaa looga hadlay guud ahaan xaaladda Galmudug, arrimaha Doorashooyinka iyo sidii loo dardar gelin lahaa, amniga doorashada iyo Arrimaha horumarinta.
Madaxweynaha Galmudug ayaa ka warbixiyay xaaladaha bini’aadanimo ee soo foodsaaray shacabka ku sugan deeganada dhawaan laga saaray Ururka Al-Shabaab.
Dhinaca kale, wafdiga ayaa kulan doceed la qaatay Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Baarlamaanka Galmudug Marwo Faadumo Cabdi Cali (Faandhe) iyo xubo kale.