
Raysal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay Xubno ka tirsan Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa ka guddoomay liis ay kasoo gudbiyeen Xubnaha ay cabashada ka qabaan ee ku jira guddiga doorashada labada heer.
Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinaayay Cabdikariin Guuleed ayaa ayaga oo ka socday Golaha Midowga Musharaxiinta waxay Raysal wasaare Rooble ka dalbadeen inuu si deg deg ah uga falceliyo cabashada aay u gudbiyeen xubnaha ku jira guddiga doorashada.
Raysal Waasaare Rooble ayaa dhankiisa u balan qaaday Midowga Musharaxiinta inuu wax ka qaban doono cabashadooda baaritaan dhab ah oo cadeymo lehna lagu sameyn doono cabashada aay kasoo gudbiyeen xubnaha ka mid ka ah guddiga doorashada dalka.