
Wasiirka Arimaha Dibada ee Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq ayaa u sheegay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay in hogaamiyaasha federaalka iyo kuwa maamul goboleedyadu ay gaareen heshiis hordhac ah oo ku saabsan doorashooyinka.
Maxamed Cabdirisaaq wuxuu ku sheegay hab muuqaal ah oo uu shirka golaha ammaanka uga qeyb galay, in 3 arrimood oo waaweyn oo weli caqabado ku ahaa doorashooyinka laga heshiiyay.
Wasiirka Arimaha Dibada ayaa sheegay in la filayo in la soo saaro war murtiyeed rasmi ah kadib wada hadalada.
Soomaaliya ayaa gashay xiisad siyaasadeed kadib markii madaxda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada Soomaaliya ay ku heshiin waayeen qaabka doorashada dadban.
