Shirka wadatashiga doorashooyinka oo maanta galey maalintiisa afaraad

0
187

Shirka Wadatashiga Qaran ee ka furmay Sabtidii aynu ka soo gudubnay magaalada Muqdisho ayaa maanta galay maalintiisii afaraad iyadoo ay jirto rajo ah inuu shirka heshiis lagu gaaro.

Kulankan oo ay ka qeybgalayaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, madaxda Maamul-Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa haatan si hoose u galay qodobada muhiimka ah ee qabsoomidda doorashooyinka Dalka.

Wararka laga helayo shirka ayaa waxa ay sheegayaan in ay adkaatay in heshiis laga gaaro sidii loo xalin lahaa khilaafka ka dhex jira siyaasiyiinta iyo Madaxda kasoo jeeda Gobollada Waqooyi ee dalka.

Lama oga xiliga shirka soo xirmi doono iyo waliba heshiiska lagu gaari karo waxaase la saadaalinayaa inuu guuleysto walow mararka qaar ay xaga dambe ka furato.