Madasha badbaado qaran oo qoraal u direy xafiiska qaramada midoobey

0
361

Madasha badbaado qaran oo ay ku midoobeen siyaasiyiinta mucaaradka iyo madaxda maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa fariin u diray golaha ammaanka ee Qaramada midoobay xiili lagu wado inay maanta ka shiraan arrimaha siyaasadda Soomaaliya.

Madasha Badbaadada Qaran ayaa warqad ay direen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxay ku xuseen sida ay uga soo horjeedan muddo kordhintii Golaha Shacabka Soomaaliya ay ku ansixiyeen qaraar labo sano ah iyo khilaafka ka taagan.

Waxaa ay qoraalkooda ku dalbadeen in fariintooda laga hor aqriyo golaha hortooda si loo soo bandhgo in uu cad yahay mowqifkooda ku aadan Go’anka ay golaha Shacabka mudada ugu krdhiyeen Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi farmaajo.