
Shirka iskaashiga amniga Dawladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka Somaliya ee Galmudug iyo Puntland ayaa ka qabsoomay caasimadda Gobolka Mudug ee Magaalada Gaalkacyo.
Shirka Iskaashiga amniga waxaa shir guddoominayey wasiirada Amniga labada maamul ee kala ah Axmed Macalin Fiqi iyo C/samad Maxamed Galan, waxaana ka qeybgalay wasiirka maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal, Labada Guddoomiye heer Gobol, labada Guddoomiye heer degmado, taliyaasha laamaha amniga ee Booliska, Nabadsugidda iyo Daraawiishta iyo xildhibaanno Galmudug barlamaankeeda ka tirsan iyo garsoorka.
Shirka ayaa lagu qiimeeyey xaaladda amni ee gobolka Mudug, dhaqdhaqaaqyada argagixisada iyo adkaynta nabadda magaalooyinka iyo deegaanada miyiga ah.
Gabagabadii shirka waxaa la isku raacay in Xubnaha Al-Shabaab ee ku soo durkaya deegaanno ka tirsan Koofurta Mudug gaar ahaan aagga Bacaadweyne in hawlgallo ciidan oo wadajir ah oo deegaanadaas looga saarayo la qaado, Puntlad-na ay gacan laxaad leh ka geysato hawlgalkaas, waxaana hoosta laga xariiqay in amniga labada maamul uu isku xiran yahay.