
Maamulada Puntland iyo Jubbaland ayaa siwyen uga soo horjeestay Go’aankii Xildhibaannada Golaha Shacabka ay muddo kordhin ugu sameeyeen hay’adaha kala duwan ee dowladda Ferderaalka Soomaaliya.
Qoraal kooban oo kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in Go’aanka Golaha Shacabka e muddo kordhinta ah uu yahay mid aan sharci ku dhisneyn, isla markaana sababi karta dib u dhac.
Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Maamul Goboleedka Puntland Xasan Shire Cabdi ayaa sheegay in Soomaaliya uu ka dhacay inqilaab lamid ah kii uu talada dalka kula wareegay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Siyaad Barre.
Waxaa uu sheegay Wasiirka in waxa ka socda Magalada Muqdisho in Puntland aysan raali ka noqoneyn oo uu sheegay in uu yahay xukun boob lagu qaato, waxaana uu sheegay in Go’aankii Golaha Shacbaka uu yahay mid shari darro ah.
