Taliyaha ciidanka boliiska gobolka banaadir oo is hortaag ku sameeyey kulankii baarlamaanku maanta lahaa

0
200

Taliyaha ciiddanka bilayska gobolka Banaadir, Saadiq Joon ayaa joojiyay kulankii ay maanta yeelan lahaayeen barlamaanka Soomaaliya oo ka doodi lahaa arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Taliyaha ciiddanka booliiska ayaa sheegay sababta ay u joojiyeen kulanka barlamaanka in ay tahay sidii ay uga hortagi lahaayeen in barlamaanku boobo doorashada ama uu qaato go’aan muddo kororsi ah.

Taliye Saadaq Joon wuxuu sheegay in xildhibaanada barlamaanka aysan lahayn wax sharciyad ah oo ay kaga dooddaan arrimaha doorashada, isagoo u adeegsaday erey bixin ah” Xallaal ma tihiin”

Wuxuu sheegay taliyaha ciiddanka booliisku in aysan aqbalayn in xoog wax lagu maquuniyo islamarkaana loo baahan yahay in Isfahan siyaasaddeed laga gaaro arrimaha doorashada.