
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay ka digayaan muddo kordhin aan sharci aheyn iyadoo wali ay socdaan wada hadalladii doorashada.
Wuxuu nasiib darro ku tilmaamay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo qorsheynayo in uu waqtiga dheereysto, taasoo keeni karta ayuu yiri cawaaqib aan wanaagsaneyn.
Shakiga uu muujinayo madaxweynihii hore iyo ee guud ahaan siyaasiyiinta mucaaradka ayaa imanaya xili fariimaha loo diray xildhibaannada Baarlamaanka lagu sheegay in kulanka maanta ajandihiisu yahay mooshin la xiriira doorashada Soomaaliya.
Waxaa siweyn isha loogu hayaa ugu danbeyntii go’aamada fashiga Golaha ee maanta iyo xildhibaannadu u codeeyaan muddo kordhin loo sameeyo hay’addaha dastuuriga ah ee dowladda.
