
Nin nooloow maxaa aragti kuu laaban?…Waa xikmad Soomaaliyeed oo runtii sawir muuqda ka bixinaysa dhacdooyinka iyo wakhtiga isla markaana daaha ka rogayso Insaanka la nool xaalad xiligaa jirto.
Waxaan horudhac uga dhigay xikmadan waa ayada oo koobaysa xalqadan kooban ee aan rabo inaan uga hadlo Xildhibaan gabay howshii loo idmaday misna eed aanu u meel dayan kula dul dhacay mas’uuliyiin cid u dirsatay aanay jirin inuu xisaabiyo.
Waa yaabka yaabkiisee horta Xildhibaanku ma yaqaanaa howshiisa ka hor tan aan loo dirsan ee uu ka hadlaayo?
Xildhibaan Idiris Dhakhtar waa Xildhibaan ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka 9aad ee wakhtigiisa dhamaaday lagana soo doorto gudaha maamulka KoonfurGalbeed waana Xildhibaanka kaliya ee aan kasoo jeedin beesha uu ku matalo kursiga Baarlamaanka Fedraalka inuu beeshii soo dooratay iyo deegaankeeda uu wax taro daayoo xitaa xaalkooda aan wareysan iyadoo ay sidaa tahay ayaa waxaa hadana uu caada ka dhigtay Aflagaadeynta Xildhibaanada, Mas’uuliyiinta, Saraakiisha dowlada iyo xubnaha golaha wasiirada ku matala Qawmiyada Digil iyo Mirifle, Bal dib u milicso tan iyo intii uu ku soo biiray Baarlamaanka Fedraalka ee wakhtigiisu dhamaaday waxa uu si hal haleel ah u aflagaadeeyaa dhamaan mas’uuliyiinta Qowmiyada Digil iyo Mirifle heerarkooda kala gedisan si uu sharaf iyo mudnaan ugu helo kuwa ka macaasha aflagaadaynta Qowmiyadan isla markaana uu u muujiyo kooxahaasi in aanu isaga ka mid ahayn Qawmiyada balse uu dulaal uga yahay iyaga.
Waa arin aan ku cusbayn saaxada siyaasada Soomaalida si gaar ah tan Digil iyo Mirifle in Shaqsi aan u dhalan ku matalo golayaal looga hadlaayo masiirka ummadda Soomaaliyeed sidaasina qawmiyada Digil iyo Mirifle xuquudeedii ku weydo,I diris Dhakhtar ma ahan laba kaarlihii ugu horeeyay ee kasoo dhex baxa Qawmiyadan Digil iyo Mirifle mana noqon doono kii ugu danbeeyay.
Dhaliil la dhaliilo shakhsi ama shakhsiyaad mas’uuliyad u haayo Qaranka Soomaaliyeed ma ahan mid la qaadan karo cadeyn la’aan, Kolka uu Idiris Dhakhtar ku dhiiranaayo inuu maalin walba uu eedayn la dul taagnaado mas’uuliyiinta reer KoonfurGalbeed ma ahan mid la garan karno hadaanu xaalka ahayn kalsooni daro iyo damac waali ku dhisan oo uu ku damcaayo kursi aanu geyn,….Hadaba Xildhibaanka talow maxaa ka khaldan?
Xildhibaan Idiris Dhakhtar waa Xildhibaanka kaliya ee kasoo muuqdo Baraha Bulshada isaga oo wax dhaliilaaya misna dhaliishiisa aan cadeymo wadan isla mar ahaantaana si laab lakac ah isugu dayaaya inuu bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan reer KoonfurGalbeed ku kiciyo si uu uga fushado danihiisa guracan ee ku aadan iska horkeenka bulshada walaalaha ah iyo mas’uuliyiintooda.
Xildhibaan Idiris Dhakhtar ma is weydiiyay waxa uu ku hadlaayo in la fahmi karo lagana fahmi karo cadaawada uu u hayo shacabka walaalaha ah ee reer KoonfurGalbeed”Waxaa isoo wacay dhalintii ciidanka ee ka dagaal galay degmada Awdheegle waxay ahaayeen dacwo waxay ka dacwoonayeen Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka oo dalacsiin waayay dhalintii reer KoonfurGalbeed”.
Waa hadal runtii gef ku ah dhalinta ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed oo naftoodii u huray ummadooda in magacooda si khaldan uu u isticmaalo ruux aan wanaag lagu baran sheegtana inay u soo dacwoodeen,Talow ninka ma riyoonayaa mise waxa uu ku hadlaayo waa sida uu jeclaan lahaa…….
Dalkan iyo dadkana waa ay kasoo daaleen laba kaarlayaal GEEGII MARIIDI iyo laba aflayntooda munaafaqnimada ku dhisan sida Xildhibaan Idiris Dhakhtar balse ummaddan maanta waxay ku baraarugsan tahay in ay danahooda qabsadaan kana digtoonaadaan dadka dulmiga kula gaaf wareegaya.
