Qoor qoor oo galabta dib ugu laabtey magalada dhuusamareeb

0
172

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) oo maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaladda Muqdisho ayaa Galabta dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug

Qoor Qoor waxaa Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku xegeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, Gudoomiyaha Baaramaamka Galmudug, Dr maxamed Nuur Gacal, wasiiro iyo Xildhibaano ka katirsan Galmudug, maamulka caasimada, iyo Saraakiil Ka katirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

Qoor Qoor ayaa muddo 44 Cisho ah ku sugnaa Magaalada Muqdisho, isaga oo ka qeyb galay shirar dhowr ah oo looga hadlayay xalinta muranka doorashada.