Madasha badbaado qaran oo qoraal kasoo saartey amni darada dalka kusoo korortey

0
198

War saxaafadeed goor dhaw ka soo baxay Madasha Badbaadada Qaranka ayaa waxaa looga hadlay xaaladihii amni ee ugu dambeeyay ee dalka iyo waliba dagaaladii dagaaladii geystay khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhacay qeybo kamid ah gobalka Shabeellaha Hoose.

Waxay bogaadisay Madasha ciidamada dowladda ee dagaalkaa adaga la galay Al-Shabaab oo weerar ku qaaday Saldhigyada Ciidamada dowlada ee degmada Awdheegle iyo degaanka Bariire ee Shabeelaha Hooose.

Madasha ayaa hoosta ka xariiqday in Farmaajo uu ciidankii ka soo daad gureeyay dhufeysyadii ay uga jireen meelaha ay Al shabaab joogaan islamarkana ay ka howlgelisay dowladda magaalada Muqdisho si siyaasiyiinta loogu caburiyo.