Kulankii madaxda dowlada federaaalka iyo maamul goboleedyada oo maalintii labaad galey

0
159

Waxaa Maalintii labaad ka socda Xarunta teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdsho Shirka madaxda Federaalka iyo Maamul-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Shirka oo shalay bilaawday ayaa waxaa Maanta ay Madaxda guda-galayaan ka doodista ajandaha iyo cidda ka soo qayb-galaysa shirweynaha doorashada ee dhawan ka furmaya Magaalada Muqdisho.

Wararka laga helayo shirka ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta ay u dhowdahay in shirka uu isfaham ku dhamaado ama lagu kala tago, maadaama madaxda maamul Goboleedyada ay waqti badan joogan Muqdisho.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in Madaxda Federaalka iyo maamul-goboleedyada la aragtida ah ay ku adkeysanayaan in Geedi socodka doorashada lagu saleeyo Heshiiskii 17-September ee Xamar iyo is afgaradyadii Baydbabo, halka madaxda Puntland iyo Jubbaland ay ku doodayaan in wax layska weydiiyo dhacdadii 19 Febraayo ee Xamar iyo in door la siiyo saamileyda siyaasadeed ee kale.