
Xarunta Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu shir uga furmay Madaxda dowlada Federaalka, Maamul Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Shirka oo ah mid ay Albaabada u xiran yihiin ayaa waxaa uu noqonayaa mid markii ugu horeeysay Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ay hor-fariistaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaarihiisa Rooble, kaddib saddex todobaad oo Muqdisho ku sugnaayeen.
Ajandaha shirka Maanta ayaa waxaa uu yahay sidii looga heshiin lahaa Ajandaha shirweynaha wada-tashiga doorashooyinka, waxaana Shirka Maanta soo qaban qaabiyay Beesha Caalamka oo cadaadis saartay dhinacyada.
