Taliyaha Ciidanka dhulka xoogga oo sheegay inay iska caabiyeen weerarkii alshabab kusoo qaaday degmada awdheegle

0
160

Taliyaha Ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo la hadlay Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida ayaaa sheegay in ciidanka xoogga dalka ay Al-Shabaab qasaare xoogan kugaarsiiyeen dagaal ay kula galeen degmada awdheegle iyo degaanka bariire ee gobolka shabeelaha hoose.

Jeneraal biixi ayaa tilmaamay in ciidanka xoogga dalka uu ka hortagay weerarka ay Al-Shabaab kusoo qaadeen Saldhigyada Ciidamada, isla markaana Xubno badan ay ka dileen.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dagaalka Al-Shabaab looga dilay 45 Xubnood tiro intaas ka badana ay ka dhaawaceen wallow aysan jirin warar madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.