
Ciidamo ka tirsan Millaterriga Soomaaliya iyo kuwa Badda ayaa isku heysta dhul ku yaal agagaarka Xeebta Iskuul Bulusiya ee degmada Xamar-Jajab, halkaas oo ah goob dadka lagu Aaso.
Khilafkaan ayaa waxaa uu ka salka ku hayaa sida la sheegay kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa Badda ay isku dayeen inay dhistaan Dhulka Qabuuraha ah ee u dhaxeeya Iskool Bulusiya iy Isbitaalka Yardameeli una dhow Fagaaraha dadka lagu toogto.
Mid kamid ah dadka ku nool aaga Dhulka la isku heyto ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga oo wata Gaadiidka dagaalka ay ka horyimaadeen in Ciidamada ka tirsan kuwa Badda ay dhulkaasi dhistaan, in kastoo aan si rasmi ah aan loo ogaan waxa ay doonayeen inay ka dhisaan.
Ma aha markii ugu horeysay oo ciidamo ka tirsan dowlada isku qabsadaan dhul ku yaala magalada muqdisho taasi oo cadeyneysa in aysan jirin wax hogaan ah oo kala haga ciidamadaas isla markaana u sheega waxa ay shaqadoodu tahay.