
Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta kaga hadlay arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin arimaha doorashada dalka, shirkii Xalane ka dhacay, qodobada weli la isku mari la’yahay.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa sheegay in iyagoo mucaaradka ah ay isku dayeen dadaalo la isku keenayo dhamaan madaxda maamul goboleedyada balse arintaasi ay fashilantay, isagoona talaabadaasi ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo
Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa sidoo kale madaxweynaha soomaaliya ku dhaliilay inuusan rabin in dalka ay ka dhacdo doorsho , isagoona sheegay inuu doonayo muddo kororsi iyo doorasho boob ah, sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale Siyaasiga Mucaaradka ah ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in beesha caalamka ay u dulqaadan weysay sida ay wax u wadaan madaxda dowladda, islamarkaana arrintan ay suurtagal tahay in fara gelin toos ah lagu sameeyo xaalada siyaasadeed ee dalka.
