
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Masar ay doonayaan inay xoojiyaan xiriirka ganacsi ee labada dal.
Wasiirka oo Wareysi siiyay Extra News ayaa sheegay in dowladda federaalka ay rumeysan tahay in la joogo xilligii dib loo eegi lahaa heshiisyada gaarka ah ee u dhexeeya Masar iyo Soomaaliya, halkaas oo iskaashiga labada dal uu ka jiray dhinaca dhaqaalaha.
Wuxuu tilmaamay in booqashadiisii Masar ay ujeedkeedu ahaa sidii xiriirkii Masar ee Soomaaliya uu dib ugu soo laaban lahaa wadada saxda ah, wuxuu sheegay in Soomaaliya ay raadineyso sahmin shidaal oo dheeri ah, maadaama ay u baahan tahay taageerada Masar.