
Senator Cumar Cabdrashiid Cali Sharmaake oo laba jeer Soomaaliya kasoo noqday Ra’iisul Wasaare ayaa ka digay heshiis uu sheegay in uu u dhaxeeyo, Eritrea, Itoobiya iyo Soomaaliya .
Cumar Cabdirashiid oo Qoraal soo dhigay Bartiisa ayaa waxaa uu sheegay in heshiiskaas oo ah amni iyo difaac uu yahay arrin khatar keeni karta oo u baahan fiiro gaar ah.
Sidoo kale waxaa uu sheegay Senator Cumar Cabdrashiid in noqoneyso walaac aad u daran haddii dowladda waqtigeeda dhamaaday isku daydo inay heshiis noocaas ah ku saxiixdo Addis Ababa.
Hadalka Senator Cumar Cabdrashiid Cali Sharmaake ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa xilli maalmihii la soo dhaafay warar soo baxayay ay sheegayeen inuu jiro shir Addis Ababa ku dhex mari doono madaxweynaha Ereteruya Isaias Afwerki, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha somaliya.
