
Wakiilka gaar ah ee Qarramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu horkacayo ayaa goor dhaw gaaray magaalada Kismaayo xarunta maamulka gobolleedka Jubbaland.
Wafdiga Qarramada Midoobey ayaa waxaa garoonka diyaaradaha magalada kismaanyo kusoo dhaweeyay madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo xubno ka tirsan labada golle.
Wafdiga ayaa lagu wadaa in ay kala hadlaan mas’uuliyiinta maamulka Jubbaland arrimaha doorashooyinka dalka iyo waliba shirka uu shalay ku baaqay madaxweyne dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Jubbaland ayaa ka mid ah dowlad gobolleedyada sida weyn uga soo horjeeda hannaanka dowladda Soomaaliya u maamuleyso doorashada.