Tuulooyin ka tirsan degmada walaweyn oo go’doon ku jira.

0
340

Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno degmada walaweyn ayaa sheegaya in qeybo badan oo ka tirsan tuuloyinka degmada walaweyn ay go’doon ku jiraan, Tuulooyinka go’doonka ku jira ayaa waxaa ka mid ah warmaxan, buulo xaansho iyo shareey.

Tuulooyinkan xiran ayaa la sheegay in ay u xiran yihiin gudoomiyaha degmada, Gudoomiyaha arimaha bulshada iyo maleeshiyaad ka tirsan beesha gaal jecel taasoo la sheegay in la isku heysto lacagaha baada ah ee laga qaado gawaarida ganacsatada ee halkaasi marta.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in jidadkaasi uu markii hore ka qaraaban jirey gudoomiyaha degmada kaasoo sida la sheegay gaarigiiba ka qaadan jirey lacag dhan 80 doolar halkan gudoomiyaha arimaha bulshada oo kol dhaweyd lasoo magacaabay iyo maleeshiyaadka ka tirsan beesha gaaljecelna ay iyaguna taagan yihiin in lacag taasi mid u dhiganta halkaasi laga siyo hadii kalana aysan halkaasi mari karin wax gaari ah.

Dhinaca kale waxaa jira warar sheegaya in maleeshiyaad beesha gaaljecel ee halkaasi ku sugan ay cuna qabateyn baahsan ku hayaan baabuurta u socota gobolka baay kuwaasi oo sida la sheegay lacag baad ah ka qaada baabuurtaas hadii ay bixin waayaana guba sida ay kol horaba sameeyeen.

Dadka deegaanka oo aan la xiriirney ayaa inoo sheegay sahmin ay kol dhaweyd ku sameeyeen wadada isku xirta tabeelaha iyo degmada walaweyn in ay ay arkeen baabuurta u socoda deegaanada maamulka hirshabeele in ay si nabab gelyo ah ku maraan wadadaasi halka kuwa u socda deeganada koonfur galbeedna laga qaado qarash dhan 70 dollar gaarigii.

Isku soo wada duub dagaalada ka socda degmada walaweyn ayaa waxaa ay dhamaantod salka ku hayaan sidii kox walba ay lacagahaasi baada ah ay wax uga heli lahaayeen halka kuwa aan arimahaasi ku jirina ay marba kooxdiii ayaga wax ka helyanaan taageerta taasoo ah wax aan u wanaagsaneyn horumarka degmada.