Taliyeyaashii saldhigyada boliiska waaberi iyo howlwadaag oo xabsiga la dhigay

0
282

Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa qaaday tallaabo deg-deg ah, kadib dilkii xalay magaalada Muqdisho dil loogu geystay guddoomiyihii maamulka degmada Hodan, Marxuum Cabdixakiim Cabdiraxmaan Ciise (Dhagajuun).

Laamaha nabad-galyada ayaa su’aalo weydiinaya oo soo xiray taliyayaashii saldhigyada booliiska degmooyinka Howl-wadaag iyo Waabari, sidoo kale waxaa iyaguna xabsiga loo taxaabay ciidamadii ku sugnaa barta-koontarool ee lagu rasaaseeyay gaariga uu la socday guddoomiyaha.

Guddoomiyaha ayaa xiliga la dilayay marayay degmada Howl-wadaag waxaa la sheegay in ay rasaas ku fureen gaarigiisa ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliya.