
Wararka laga helayo degmada Walanweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in uu halkaasi ka socdo dagaal u dhaxeeya ciidamo ka tirsan Daraawiishta Maayland & Maleeshiyo Beeleed kusoo duulay degmada.
Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka uu yimid, kadib markii maleeshiyaad hubeysan oo ku labisan tuutaha dowlada ay weerar ku qaadeen bar-koontorool oo ay Ciidamada daraawiishta Maayland ku lahaayeen Bartamaha magaalada gaar ahaan xaafada Muuri ee degmada Walanweyn.
Maleeshiyaadka hubeysan ayaa waxaa la sheegay inay dileen afar ka tirsan ciidamada daraawiishta Mayland taasoo aan eheyn markii ugu horey oo fal noocan oo kale ku kacaan maleeshiyaadka ku labisan tuutaha dowlada ee qabiileysan.
Maleeshiyo beeleedyadan ku labisan dareyska dowlada ayaa waxaa ay deegaankaasi ku lahaan jireen isbaarooyin ay dadka lacagaha kaga gurtaan taasoo lasoo af jaray kadib kolkii deegaankaasi loo sameeyey ciidamo u gaar ah oo suga amniga degmada iyo hareeraheeda.
