Dowlada Itoobiya oo sheegtey in ceedamadeeda ay dileen shaqaale ka tirsan qaramada midoobey

0
221

Redwan Hussien oo ka mid ah saraakiisha sare ee dowladda Itoobiya, ayaa Talaadadi shalay isaga oo ku sugan magaalada Addis Ababa wariyaasha u sheegay, in ciidamada difaaca Qaranka Itoobiya dileen shaqaale ka tirsanaa Qarramada Midoobey.

Dhacdadan ayuu sheegay in ay dhacday Axaddii xilli ay shaqaalaha Qaramada Midoobay isku dayayeen in ay gaaraan xerada qaxootiga ee Shimelba oo ay dagan yihiin qaxooti Eritrean ah.

Wuxuu sheegay in ciidamo ka tirsan millatariga Itoobiya ay rasaas ku fureen shaqaalaha UN-ka, kaddib marki ay isku dayeen in ay ka gudbaan bar koontarool, waxyar kaddib marki ay soo dhaafeen laba bar koontarool oo kale.

Ugu danbeyntii wuxuu sheegay in aan la ogoleyn in ay barta koontarool laga gudbo balse waxaa ay go’aansadeen in si qar-iskatuur-nimo ah halkaasi kaga tallaabaan.