
Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaran Dr Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa xeer-ilaaliye u gaar ah u magacaabay Saxaafadda si baaris loogu sameeyo, gacantana loogu soo dhigo kuwii soo abaabulay, qorsheeyay iyo kuwii fuliyay dilalka iyo waxyeelaynta ka dhanka ah Suxufiyiinta, hayeeshee Magacaabista aan lagu xusin Magaca Xeer ilaaliyaha u gaarka ah Wariyeyaasha.
Qoraal kasoo baxay Xeer ilaaliyaha Qaranka ayaa waxaa lagu wargeliyay Shacabka Soomaaliyeed in qof walba oo haya xog la xiriirta dilalka Wariyeyaasha inay kusoo wargeliyaan Xafiiska Xeer ilaalinta.
