
Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay taageereyso in dib u habeyn lagu sameeyo waaxda amniga Soomaaliya, taasi oo ay sheegtay inay mustaqbal ifaya u hogaamin doonto Soomaaliya iyo Soomaalida.
Qoraal kasoo baxay safaaradda Mareykanka oo lasoo dhigay barta twitter-ka ayaa sidoo kale looga digay musuq-maasuqa iyo qaraabo kiilka Soomaaliya.
Ma cadda waxa xilligan kusoo beegay qoraalkan, hase yeeshee wuxuu imanayaa maalin kadib markii askari Mareykan ah uu ku dhaawacmay qarax ka dhacay deegaanka Janaa Cabdalle ee gobolka Jubada Hoose.
Toddobaadkii tegay dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ka badan 3 bilyan oo dollar ku bixisay amniga Soomaaliya, sidaas oo ay tahayna aanay ka muuqan wax horumar ah oo la taaban karo.
