
Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay digniin hor leh oo muwaadiniinteeda ay uga mamnuuceyso inay u safraan Soomaaliya iyo Kenya.
War kooban oo ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Kenya ayaa waxaa lagu sheegay inay kordheen dambiyada abaabulan ee la xiriira argagixisanimada.
Sidoo kale waxa ay safaaraddu muwaadiniinta Mareykanka uga digtay inay tegaan gobollada ku yaalla xuduuda dheer ee u dhexeysa wadamada Soomaaliya iyo Kenya.
Safaaradda ayaa sidoo kale shaacisay inay kordheen falalka la xiriira afduubka ay geysanayaan kooxaha hubeysan ee ka tirsan Al-Shabaab.