
Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka furmay mid kamid ah kulamadii Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo kulanka uu shir Guddoominayo Guddoomiye Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.
Ajendaha kulanka Xildhibaanada ayaa waxaa uu ahaa Akhrinta Koowaad ee Hindise sharciyeedka Dambiyada la xiriira Galmada, kaasi oo laga doonayay inay Akhrinta Koowaad marsiiyaan.
Xildhibaano ka hadlay furitaanka kulanka ayaa si cad u diiday mashruucaan iyaga oo sheegay inuu diinta ka hor imaanayo iyo dhaqanka Suuban, sidoo kale waxay diideen xataa in akhrinta koowaad la marsiiyo loona baahan yahay in marka hore wax laga soo badalo.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa dalbaday in laga doodo Arrimaha doorashooyinka xilli ay jirto tuhun ku aadan in baarlamaanka uu Maanta sameysto muddo kordhin.