Dowlada oo 6 Casho Kadib Ka Hadley Caruurtii Lagu Kufsadey Degmada Afgooye

0
200

Dowlada federalka somaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadley dhacdo naxdin leh oo ka dhacday degmada agooyemudo haatan laga joogo 5 maalmood, Wasiirka Warfaafinta ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa si kulul u cambaayeeyay kufsi arxan darra ah oo ka dhacay Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada hoose.

Wasiirka ayaa ficilkaas ku tilmaamay in uu geystay Qof wax magarad ah oo aan laheyn damiir Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta ayaa Carrabka ku adkeeyay inay Dowladdu ku raad-joogto Dadkii ka dambeeyay ficilkaas foosha xun oo lagu kufsaday Laba gabdhood oo midna jiro 4 sano mida kalana ah 3 jir.

Si kastaba arintu ha ahaatee haalka kasoo yeeray dowlada ayaa imanaya kadin kolkii baraha bulshada ay ku kulanto beryahn si xoog ah looga hadal hayey dhacdadaas waxaana wax laga xumaado ah in xukuumada ay 5 csho kadib tiraahdo waa lag raad joogaa dadkii falka geystey taasoo micnaheda tahay in aan ilaa iyo hada la heyn dadkii falkaasi geystey