Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo Xil Ka Qaadis Lagu Sameeyey

0
35

Xildhibaannada Baarlamaanka maamul gobolleedka Puntland ayaa goor dhaw cod gacan taag ah xilkii uga qaaday guddoomiyihii Baarlamaanka Cabdixakiin Maxamed Axmed (Doobo-Darreed)

Kulanka waxaa soo xaadiray oo ku sugnaa 53 mudane, waxaana shir guddoominyay Guddoomiye ku-xigeenka koowaad Abuukaate Cabdicasiis oo mooshinkan markii horeba qabtay.

Xildhibaanno gaaraya 49 mudane ayaa ansixiyay u codeeyay mooshinka xil ka qaadista, halka Afar Xildhibaan ay ka aamustay codbixinta.

Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa lagu eedeeyay in uu ku xadgudbay dastuurka, isla markaana xarunta baarlamaanka uu soo geliyay ciidamo beeleed.