Cabdi Casiis Lafta gareen oo Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Shabelaha Hoose ka Wada Dhigay Shaqsiyaad Kasoo Jeeda Beelaha Hawiye

0
83

Kolka aad eegto shaxda sida loo kala qeybsadey maamulka gobolka shabelaha hoose ayaad moodaa in shacabka gobolka aysan wax xaq ah ku laheyd gobolka.

Maamulka cabdicasiis Lafta gareen ayaa dhawaan isku shaandhen uu ku sameeyey maamulka gobolka shabelaha hoose ayaad waxaad ka arki kartaa awooda ay beelaha hawiye ku leeyihiin gobolka marka loo fiiriyo dadka deegaanka.

Maamulka gobolka hoose ayaa hada waxaa uu ka koban yahay 7 xubnood, Todobadaas oo 4 ka mid ah ay kasoo jeedaan beelaha hawiye halka dadka deegaanka ay ka yihiin 3 xubnood oo keliya, Taasoo aan la ogeyn sababta uu maamulka cabdicasiis arintaas foosha ugu dhaqaaqay.

Halkan hoose ka aqriso qabaailada ay kasoo jeedaan maamulka gobolka shabelaha hoose.

1. Ibrahim Aadan Cali (Najax) Gadoomiyaha Gobalka Garre, Digil iyo Mirifle.

2. Xasan Abuukar Jimcaale Godomiye ku xigeenka Siyaasada Gobalka, Biimaal, Dir.

3. Cabdi Kariim Axmed Yuusuf ( Afar Shaagle ) Godomiye ku xigeenka Amniga Gobalka, Ceyr, Habar Gidir, Hawiye

4. Mayow Mustafa Xasan Godomiye ku xigeenka Maaliyadda Gobalka, Shancaleemod, Digil iyo Mirifle.

5. Cumar Maxamud Cilmi (Carabey) Godomiye ku xigeenka Arrimaha Bulshada Gobalka, Murursade, Hawiye.

6. C/rasaaq Xasan Gaabow Xoghayaha Gobalka,  Wacdaan, Hawiye.

7. Mustaf Axmed Hilowle Isuduwaha Gobalka Shabeelaha Hoose ee Wasaaradda Maaliyadda KGS, Saleemaan Habar Gidir, Hawiye.