Xisbiga Amni iyo Cadaalad oo Maamulka Cabdicasiis Lafta Gareen Ku Cambaareeyey Iney Xadgudub u Geystaan Shacabka Koonfur Galbeed

0
53

Xisbiga Amni iyo Cadaalad ayaa walaac ka muujiyey xad gudubyo uu sheegay in si isdaba joog ah ay maamulka Cabdicasiis Lafta Gareen ugu hayaan Suxufiyiinta, Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Dhaqanka koonfur Galbeed kaasoo uu ka socdo Magaalada Baydhabo.

Xisbiga wuxuu cod dheer ku cambaareeyey habdhaqanka qalafsan ee lagula kacaayo bulsha weynta koonfur Galbeed iyo xariga iyo xukunka cadaalada ka fog ee lala beegsanayo dadka fakar ahaan ka duwan maamulka Lafta gareen.

Hadalka kasoo baxay Xisbiga Amni iyo Cadaalad ayaa kusoo aadayo Xilli Magaalada Baydhabo lagu xiray ku dhawaad 60 qof oo fikir ahaan kasoo horjeedo Maamulka Koonfur Galbeed.