Howlgalo Lagu Sugayo Amniga oo ay Ciidamada Dowlada Maanta Ka Fuliyeen Duleedka Degmada Marka

0
49

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa Saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgallo kala duwan ka fuliyeen deegaano hoostaga Magalada Marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalka ayaa Ciidamada waxaa ay sigaar ah ufa fuliyeen deegaannada Gendershe iyo Dhanaane oo ka tirsan Gobolka Shabeelada hoose,waxaana saraakiisha hoggaamineysa ay sheegeen inay ku dileen Xubno ka tirsanaa Al-Shabab sidoo kalena ay hub kusoo furteen.

Taliye kuxigeenka qeybta 12-ka April ee Ciidanka Xogga Dalka Soomaaliyeed Gaashaanle Sare Xasan Aadan Xaashi ayaa Wakaaladda Wararka SONNA u sheegay in howlgalkaasi khasaare xooggan ay ku gaarsiiyeen Al-Shabaab,isla markaana ay ku dileen 7 Xubnood hubna ku qabsadeen sida uu hadalka u dhigay.

Si kastaba howlgalkan ay Ciidamada Dowladda ka fuliyeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose ayaa kusoo aadaya xilli dhawaan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada Dowladda ku leeyihiin deegaanka Ceel Saliini.