Alshabab oo Xalay Weeraray Bar Koontarool oo ay Ku Sugnaayeen Ciidanka Dowlada

0
72

Wararka aynu ka heleyno magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in xalay xoogag ka tirsan Ururka Al-shabaab ay weerar xooggan ku soo qaadeen Bar koontarool oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya

Inta la xaqiijinayo weerarkan waxaa ku geeriyooday saddex ruux oo labo ka mid ah ka tirsanaayeen ciidamo Boolis ah oo ku sugnaa Kootaroolka la weeraray hal Askarina waxaa la sheegay in uu dhaawac ka soo gaaray.

Qofka saddexaad ee weerarkan ku dhintay ayaa la sheegay in uu aha qof rayid ah oo degenaa meel ku dhow barta koontarool oo ku taal xaafada Hantiwadaag.

Barta koontarool ee xalay la weeraray ayaa waxaa dhowaan lagu wareejiyay ciidamo Boolis ah iyadoo hore ay halkaa ay ugu sugnaayeen ciidamo Milatari ah.