Qaar Ka Tirsan Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed oo Cambaareeyey Xayiraadii Lagu Sameeyey Sheekh Shariif

0
48

Magalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay waxaa galabta kulan ku yeeshay qaar ka mid ah Odayaasha & Waxgaradka koonfur galbeed, iyaga oo kulankooda ku cambaareeyay tallaabadii ay dowladda Somalia ku xayirtay Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Qaar ka mid ah Odayaasha oo kulanka ka hadlay ayaa waxaa ay sheegeen in Sheekh Shariif uu yahay Odey Soomaaliyeed oo nabadoon ah aadna u dulqaad badan, iyaga oo nasiib-darro ku tilmaamay tallaabadii lagula dhaqmay.

Dhanka kale Odayaasha ayaa sidoo kale waxaa ay sheegeen inay qaateen raali gelintii uu Madaxweyne Shariif u sameeyey reer Koonfur Galbeed taas oo ku aadaneyd hadal uu yiri laakin si kale loo fasiray.

Si kastaba arinta ha ahaatee masii socon doontaa qaabka ay doonayaan iney siyaasada dalka kusii wadaan masuuliyiinta ugu sareysa dalka maadaama somaliya aysan weli eheyn dal si wanaagsan u caga dhigtey.