Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida oo Qarax Lagula Beegsaday Deegaanka Ceel Saliini ee Gobolka Sh Hoose

0
87

Gaadiid uu la socday guddoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Col Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Maanta waxaa qarax lagula eegtay agagaarka deegaanka Ceel Saliini ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaraxa ayaa waxaa Gaadiidkaas lagula eegtay Deegaanka Tareedisho dhanka degmada Kaxda Gaar ahaan Wadada jaayga ah ee ay isticmaalaan Gaadiidka ay wadada ka xiran tahay,sida ay Risaala u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Guddoomiyaha iyo saraakiisha la socotay ayaa waxaa ay ka y imaadeen Xero Ciidamo ka tirsan kuwa Millateriga Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Ceel Saliini oo uu xalay ku hoyday, halkaas oo maalmo ka hor ay weerareen Al-Shabaab.

Ilaa iyo hadda qaraxasi kama hadlin Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Col Xasan Cali Nuur Shuute iyo waliba Hay’adaha Amniga Soomaaliya.