Dad Kasoo Barakacay Gobolka Shabelaha Hoose oo Xerooyin Looga Sameeyey Deegaanka Garasbaaleey

0
159

Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Degaanka Garasbaaley ee duleedka Magaalda Muqdisho ayaa booqasho ugu tagay Barakacayaal cusub oo ka yimid deegaano ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Barakacayaashan oo isugu jira Haween, Caruur iyo dad Da’ah ayaa ka soo cararay xaaladaha abaar iyo colaada ka jira gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadkan danta yar oo aan heysan adeegyada la xiriira nolosha aas aasiga ah ayaa ka dalbaday hay’adaha gargaarka inay la soo gaaraan caawimaad deg deg ah, si noloshooda ay u sii wataan.

Xoghayaha Degaanka Garasbaaley C/raxiin C/llaahi Liibaan oo horkacayay xubno uu ka mid yahay C/rashiid Cali Dubbad Gacal ayaa soo indha indheeyay xaalada ay ku nool yihiin Barakacayaashan cusub.

Xoghaye C/raxiin ayaa dowladda federaalka, maamulka gobolka Banaadir iyo hay’adaha deeqaha bixiya ugu baaqay in kaalmo bani’aadanimo lala soo gaaro dadkan, bacdamaa aysan heysan wax ay ku noolaadaan.