Ciidamada Dowlada iyo Kuwa Amison oo Howlgalo Lagu Sugayo Amniga Ka Sameeyey Degmada Qoryooley

0
153

Ciidamada Millateriga Soomaaliya oo ay wehlinayaan kuwa AMISOM ayaa waxaa ay Maanta howlgallo kala duwan ka sameeyeen degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose iyo duleedka degmadaas.

Howlgalkaas ayaa ka dambeeyay kadib markii Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay saakay waaberigii hore ay weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidamada AMISOM kiu leeyihiin degmadaasi Qoryooleey.

Dadka degmada Qoryooley ayaa waxaa ay ku warameen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay is weeydaar sanayeen labada dhinac ee dagaalamay,hayeeshee aysan cadeyn Karin khasaaraha ka dhashay.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda & kuwa AMISOM weli dhankooda kama hadlin dagaalkii ka dhacayd egamda Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha hoose iyo dhaq dhaqaaqyada Ciidan oo Maanta ay ka wadaan degmadaasi iyo deegaannada hoostaga.