Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland oo Uga Digay Masuuliyiinta Ugu Sareysa Dowlada In Ay Mudo Kororsi Sameystaan

0
32

Madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo wareysi siinayay laanta Afka Soomaaliga ee BBC ayaa uga digay madaxda sare ee dalka in ay sameystaan muddo korarsi marka uu dhamaado waqtiga loo idmaday in ay dalka hoggaamiyaan.

“Lama aqbali doono wax la yiraahdo muddo kororsi, maxaa yeelay dalkaan wuxuu ku jiraa geeddi socod siyaasadeed oo loo horseedayo inu hey’adihiisa caga dhigtaan, inta taas lagu jiro wada tashi iyi isku tanaasul baa saldhig u ah”ayuu yiri Saciid Deni.

Madaxweyne Saciid Deni ayaa sheegay in Soomaaliya ay illaa iyo hadda heshiis ku tahay in doorashooyinka dalka in xilligeeda dhacaan, isla markaana ay soo taxneyd illaa xilligii Mbaghathi, intii madax isaga kala dambeysay heshiiskaas u soo socday, balse aanan la aqbali doonin muddo kororsi.

Madaxweyne Deni ayaa noqonaya madaxweynihii ugu horeeyay ee maamul gobolleed oo uga diga madaxda dalka in ay waqtiga kale oo dheeraad ah ku darsadaan marka uu soo dhamaado mudo xileedka oo hadda ka harsan wax ka yar 16 bilood.