Kulka Dib u Hishiisiinta Reer Galmudug oo Markale Dib u Dhac Ku Yimid

0
50

Maanta ayaa lagu balansanaa in Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug uu ka furmo shirka dib u heshiisiinta beelaha dega deegaannada Galmudug, hasayeeshee warar aynu ka heleyno deegaanadas ayaa sheegaya in markale uu dib u dhac ku yimid furitaanka shirka.

Waa markii Saddexad oo shirkaasi uu dib u dhaco, kulankan ayaa markiisa hore ahaa in uuu furmo 5-tii Bishii Agoosto, taasoo aysan dhicin,waxaana markale Guddiga qaban qaabada ay iclaamiyeen 17kii Bishii Agoosto, ayadana sababo aan la sheegin ayuu dib ugu dhacay, Tan maantana waa mid kale.

Waxaa magalaada dhuusamareeb xiligan ku sugan dhamaan xubnaha ka qeyb galaya shirka dib u heshiisiinta Galmudug, waxaana horay u jirtay in mid ka mid ah beelaha dega Galmudug oo shir uu uga socdo Magalada Hobyo ay dalbadeen in shirkaasi aan la furin ilaa iyo inta ay shirkooda kasoo geba-gabeynayaan.

Guddiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta Galmudug ayaa sababta baaqashada shirka waxaa ay ku sheegeen inay la xiriirto sababo farsamo lawgeed, isla markaana uu maalinta barrito ah furmayo shirka.