Dhegeyso: Reysulwasaare Kheyre oo Runta u Sheegay Ciidamadii Ahlusuna ee La Qarameeyey

0
44

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa ballan qaaday in dowladdu ay muhiimad gaar ah siineyso hagaajinta xaquuqda ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed,isla markaana Ciidamada dhankooda laga doonayo inay waajibkooda gutaan.

Isaga oo la hadlayay Saraakiil uu tababar ugu soo xiray dhuusamareeb ayuu sheegay in Ciidamadaan ay horay uga tirsanaayeen Ahlusunna balse dowladda la soo wareegtay,waxaana uu sheegay in marnaba aan la aqbaleyn Ciidamo ka wada tirsan Dowladda & Ahlusunna.