Kenya oo Dalbay In Garsoore Cabdiqawi Laga Saaro Dhegeysiga Bada ee u Dhexeysa Somaliya Iyo Kenya

0
33

Dowladda Kenya ayaa dalbatay in dhageysiga wajiga labaad ee dacwada Badda laga saaro Cabdiqawi Axmed Yuusuf oo ah shaqsi asakiisu Soomaali yahay.

Maxkamadda waxaa dacwadan u gudbiyay Gudoomiyaha Madasha Pan Africa David Matsanga waxaana uu doonaya in uu muujiyo in garsooraha ugu sarreeya Maxkamadda ICJ Cabdulqawi Axmed Yusuf uusan sharci ahaan ku habooneyn kiisKa maxkamadda ka bilaaban doona sagaalka bishan.

Codsigiisa ayaa Matsanga waxaa uu ku sheegay in Garsooruhu uu meel kale uga hadlay Kiiska badda ee Soomaaliya iyo Kenya taasoo keeneysa Khilaaf dan ku saleysan maadaada uu garsooruhu yahay muwaadin Soomaaliyeed.

Dowladda Kenya ayuu ugu baaqay inaysan ka qayb gelin dhageysiga dacwadda haddii uu Cabdulqawi Axmed Yuusuf ka mid noqodo garsooreyaasha dacwadda dhageysanaya.