Xukuumada oo Sheegtey In Kulanka Dib u Heshiisnta Reer Galmudug uu Furmi Doono Sep 4

0
122

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta, Eng. Cabdi Maxamed Sabriye, oo xalay ka qayb galay munaasabad soo dhaweyn ah oo Dhuusamareeb loogu sameeyay ergada ka qeyb geleysa shirka dib-u-heshiisiinta Galmudug, ayaa caddeeyay in September 04, 2019 uu furmayo shir-weynaha reer Galmudug ay aayahooda uga tashanayaan.

Cabdi Maxamed Sabriye ayaa dhammaan ergooyinka reer Galmudug uga mahad celiyay ka qayb galka shirka isagoo islamarkaana ka codsaday in guddiga dib-u-heshiisiinta gacan lagu siiyo ka guul gaaridda shir-weynaha si reer Galmudug.

Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug, Dr. Cabdiraxmaan Macallim Cabdullaahi Baadiyow ayaa munaasabadda ka sheegay in dadaal badan ay guddigu geliyeen isu keenidda ergada iyo u diyaar garowga ka mira dhalinta shir-weynaha.

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta, waxa uu sidoo kale sheegay inta laga gaarayo maalinta uu shirku furmayo in ergada loo sameynayo wacyi gelin, iyo kaararkii ay uga qayb geli lahaayeen shirka.