Alshabab iyo Ciidanka Dowlada oo Ku Dagaalamay Deegaanka Golweyn ee Gobolka Shabelaha Hoose

0
30

Ciidamada dowlada oo kaashanaaya kuwa Amisom iyo alshahab ayaa maanta ku dagaalamay deegaanka Golweyn ee gobolka shabelaha hoose

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig ciidamada Dowladda iyo AMISOM ku leeyihiin deegaanka Golweyn, waxaana la sheegay in halkaasi uu ka dhacay dagaal mudo kooban socday
Goobjoogayaal la hadley warbaahinta ayaa sheegay in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, hasse ahaatee aysan cadeyn karin khasaaro ka soo kala gaaray dhinacyada halkaasi ku dagalaamay.

Wali ma jiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee gobolka Shabeellaha hoose oo la xiriira dagaalka ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ku dhaxmaray deegaanka Golweyn.